Ciidanka Badda Somalia oo u dabaaldegay sanadguuradii 54aad (Daawo Sawirro)

Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aasaasay 10-kii Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal-dagay sanad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay.

Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan ayey gudaha xerada Mariino ku soo bandhigeen Ciidamada badda oo weli ku jira xaalad dib u dhis ah.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca  Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Admiral S/Guuto Cabdi Warsame  Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo isna hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka.

Gabagabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida oo ay ku jiraan kuwa difaaca xeebaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -