Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Somalia oo Weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiiin xanaaqsan oon arkin Horumarka dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in dowladu gaartay horumar badan sidoo kale maamulka gobolka Banaadir wax badan qabtay, waxa uuna xusay in siyaasiyiinta xanaaqsan aysan marnaba arkeyn horumarka iyo waxqabadka wanaagsan.

Ra’isul Wasaarre kuxigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiiinta xanaaqsan ay mar walbo lasoo taagan yihiin in aan waxbo la qaban, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in la tuso waxqanadka wanaagsan iyo guulaha la gaaray.

Dowlada Nabad iyo Nolol uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyiinta xanaaqsan ula baxday Siyaasiyiinta mucaaradk ah, waxa ayna dowlada inta badan dhaliil u jeedisaa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Suuqa Ganacsiga ee BBS Mall (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo digniin kama dambeys ah u dirtay 12 Jaamacadood

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Warta Tunbuluq ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---