Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiirka difaaca & taliyaha Milateriga Kenya oo booqday Ciidamada ka jooga Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaanbo Mrs. Raychelle Omamo iyo Taliyaha militariga dalkaas Jen. Samson Mwathethe ayaa booqasho lama filaan ah ku yimid saldhigyo ciidanka Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.

Safarka Omamo iyo  Jen. Mwathethe ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli ay Ciidanka ka jooga Soomaaliya isu diyaarinayeen dabaaldegga ciidda Masiixiga, waxayna la kulmeen saraakiisha ciidanka ka howlgala Soomaaliya.

“Waxaan halkan u imid inaan farxadda sanadka idinla wadaago Raggiina iyo Gabdhihiina geesiyaasha ah. Waxaan doonayaa inaan idiin ogeysiiyo in la idiin mahad celinayo dadka Kenyana idinku faanaan” ayey tiri Wasiirka Gaashaandigga Kenya.

“Waxaan idinkaga mahadcelineynaa inaad u istaagteen in aad qatarta ka hor joogsataan dalkeena hooyo, waan idinkaga mahadcelineeynaa Nafti hurnimadiina” ayey ku dartay hadalkii ay u jeedisay Ciidanka Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.

Intii ay booqashadeeda ku jirtay ayaa Wasiirka Gaashaandigga waxay sheegtay in sababta ay u timid ay qayb ka tahay inay ogaato nolosha maalinlaha ah ee ay ku noolyihiin ciidanka Soomaaliya ka jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Barafasoor shaqada laga joojiyay oo Toogasho ka geestay dhismaha Jaamacadda Nevada

Cabdi Cade

Ninka Dunnida ugu taajirsan oo iibsanaya Koox caan ah oo ka ciyaarta Horyaalka England

Cabdi Cade

Xamse Barre oo labo arrin ka codsaday Madaxweyne Samia Suluhu Hassan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---