Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Qowdhan oo maanta xil cusub loo doortay (Sawirro)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan.

Xilkan cusub ee loo doortay in uu guddoomiye Xildhibaan Qawdhan, ayaa horey waxaa u joogay   Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo fariin u diray shacabka ku nool Somaliland

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo khudbadiisii Shirka Talyaaniga ku dhega hadlay Abiy Ahmed (Sawirro)

Caydiid Ali

Mucaaradka Puntland oo war ka soo saaray go’ankii Madaxweyne Deni (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---