Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsato caan ah oo caawa lagu dilay degmada Bursaalax

Dabley hubeysan ayaa caawa waxay labo nin oo ganacsato ah ku dileen degmada Bursaalax ee gobolka Mudug sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Ragga la dilay ayaa kala ah  Maamulihii shirkadda Golis laanta Bur-saalax Burhaan Dhagadub iyo nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Mahad Sayuun.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilalka geystay ay goobta ka baxsadeen markii ay weerarka fuliyeen.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku haayo aano qabiil oo u dhexeysa beelo wada dega Puntland gaar ahaan woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xiisad ka dhalatay dilalkan ayaa ka taagan degmada Bursaalax, iyadoo laga cabsi iney dhacaan dilal kale oo aargoosi qabiil ah, mana jiro illaa hadda war dilalkan ku saabsan oo ka soo baxay maamulka degmada iyo laamaha amaanka Puntland

 

Related posts

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo sababta keentay

Cabdi Cade

Akhriso Waxyaabaha laga filan karo kulanka beri yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Siiriya oo booqashadii u horeysay ku tagay dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---