Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Taageerada Madaxweyne Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa si weyn usoo dhaweeyay taageerada cusub uu Madaxweynaha Mareykanka Trump u ballanqaaday dowladda Soomaaliya, oo xilligan dagaal adag kula jirta kooxaha argagaxisada ah.

Xuseen Macallin , ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan mowqifka adag ee Madaxweyne Trump ka qaatay xiriirka u dhexeeya argagixisada iyo xoogagga shisheeye ee xasilooni-darrada keena, waxa uuna xusay in Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta xasilloonida gobolka.

”Soomaaliya waxaa weligeed ka go’need inay ka qeyb qaadato dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah xagjirnimada. Wadajir, waxaan u taaganahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee amniga” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Dowladda Mareykanka ,ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, Mareykanka oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa duqeymaha dhinaca cirka ka taageera ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miinooyin laga soo saaray degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo weji gabax kala kulmay qaraar ka dhan ah kooxda Xamaas

Caydiid Ali

Gudoomiye Madaale oo danjire Alberto Vecchi kala hadlay labo arrin oo ay ku jirto..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---