Nin Sabab dad badan layaabeen u dilay xaaskiisa iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay

Nin 46-sano jir ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa dil dad badan ka argagaxeen u geestay xaaskiisa, kaddib markii uu ka carrooday raashin ay u karisay oo ku batay cusbada sida ay booliiska tilmaameen.

Milind Desai oo katirsan saraakiisha booliiska Hindiya  ayaa  sheegay in Nikesh Gag, oo katirsan shaqaalaha bangi kuyaala magaalada Mombai ayaa xaaskiisa ceejo ku dilay, waxa uuna sheegay in ninkan ka carooday cunto loo keenay oo cusbada ku badatay .

Gacan ku dhiiglaha oo isku dhiibay booliiska ayaa sheegay in uu gacantiisa ku dilay xaaskiisa, waxa uuna tilmaamay in uu ka carrooday cunta cusbada ku badnaa ee u karisay maadaama uu qabay xanuunka dhiigkarka.

Ejelada gabadha la dilay ayaa booliiska u sheegay in ninka gacan ku dhiiglaha iyo xaaskiisa marar badan isku dhaceen, qoyska ayaana wali booliiska u gudbin cabasho ku aadan dilka loo geestay gabadhooda.

Dhacdadan dilka cusbada sababtay ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Hindiya, waxaana dad badan sheegeen in ninka dilaaga ah uusan xushmad u muujin xaaskiisa oo hal mar raashinka susbo uga badatay darteed u dilay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -