Allbanaadir.com
NEWS

Deegaan Al Shabaab joogeen oo saakay weerar culus lagu qaaday

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidanka deegaanka, ayaa saakay weerar xooggan waxa ay ku qaadeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay in ay joogeen dagaallamayaal badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah , ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Aboorey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo la sheegay in aad loogu jabiyay kooxda Al Shabaab ee halkaasi ku sugneed.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala, oo war kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka weerar culus ku ekeeyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

”Geesiyaasha qaranka iyo Halgamayaasha Deegaanku Saaka waxeey weerar ku ekeeyeen Khawaarij aagga Abooreey, Shalay isla xilligaan waxaa lagu galay Ruun-Nirgood, Doraadna Guulane, waa tusaale culayska ay wajahayaan khawarij” ayuu yiri Al Cadaalada.

Ciidankan dowladda ayaa sidoo kale shalay kooxda Al Shabaab ku weeraray deegaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shaeelaha Dhaxe, halkaas oo laga saaray Al Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugneed, sifdoo kale khasaaro lagu gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ciidanka Nabad sugida oo qabtay nin Bambo ku weeraray xarun Ciidan

Cabdi Cade

Tanzania oo ku baaqday in la ilaaliyo Midnimada iyo madax banaanida Somalia

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Khilaafka ka taagan Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---