Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo ku sharfay Soomaaliya taageerada dhibaato ku dhacday

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii  ku dhuftay gobolo katirsan dalka Turkiga 6-dii Febraayo, 2023.

Munaasabad lagu xusayay sannadguuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka oo lagu qabtay Gobolka Adiyaman, ayaa Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradii iyo garab istaagii ay u sameeyeen xilligii ay ku jireen xaalada adag ee ka dhalatay dhulgariirkii dhacay.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdirixiin Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda Xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbalad oo Daahfuray Mashruuc Dhismo Waddooyin ka kooban 31km (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliska Booliiska oo Digniin adag u diray dadka kunool magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Daacish oo baahisay sawirada kooxdii fulisay weerarkii Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---