Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo dalab yaab leh hor dhigay madaxda dalal Carbeed

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump wuxuu markii u horreysay xaqiijiyay inuu kala hadlay Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan mar uu taleefoon kula hadlay inuu jeclaan lahaa in Jordan iyo Masar ay qaataan qaxooti badan oo reer Qasa ah, si buu yiri ay u suuragasho in la nadiifiyo marinka Qasa ee la burburiyay.

Trump, ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu Axadda maanta kala hadli doono madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi oo isla codsigan uu usoo bandhigi doono, si uu ugu qanciyo inay Masar qaadato qaxooti badan oo reer Qasa.

Jordan iyo Masar, ayaa muddada uu dagaalka socday ku celceliyay inaysan aqbali doonin in la soo barakiciyo dadka Qasa

Sidoo kale hadalka Trump ayaa ku soo aadday saacado kaddib markii ay soo baxday inuu Trump u fasaxay Israa’iil dhammaan hubkii ay ku jireen bambooyinka culus ee horey Biden uu uga joojiyay Israa’iil

Wuxuuna horey u ballanqaaday inuu gacan ku siin doono Netanyahu guusha uu ka raadinayo dagaalka Qasa, isagoo caddeeyay inuusan oggolaan doonin inay Xamaas maamullan Qasa.

Related posts

Qorshe lagu yareynayo ciriiriga ka taagan jidadka oo ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Shir ka dhan ah Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho iyo Arrimaha looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo soo bandhigeysa liiska dadka taageera kooxda Daacish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---