Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka cusub ee Batroolka DF oo talaabadii u horeysay qaaday

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa kulan muhiim ah oo ay yeesheen waxaa ay diiradda ku saareen dhameystirka shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faa’iideysto kheyraadka Dalka.

Kulanka ayaa labada Wasiir waxa ay si wadajir ah u saxiixdeen Xeer-nidaamiye Iswaafajinayo Sharciga Badroolka iyo Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada, xeer-nidaamiyahaan ayaa muhiim u noqon doona dhammaan qandaraasyada iyo howlaha kheyraadka dabiiciga ah oo ay ka mid yihiin Gaaska iyo Badroolka.

Isla maanta ayey aheyd markii Ra’isul Wasaaraha dalka uu xilka ula kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadaama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Related posts

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo caawa ka degay Jabuuti, kana qeyb galaya..

Caydiid Ali

Daawo Sawirada :Safaaradii Eritrea ku laheyd Itoobiya oo Muuqaalkeeda uu doorsoomay

Cabdi Cade

Laftagareen oo u Mahadceliyay guddiga doorashada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---