Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay magacyada saraakiil katirsan Al Shabaab oo la dilay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa hay’adda nabbadsugidda Qaranka ,ayaa howlgalo wadajir ah ay fuliyeen waxa ay ku dileen xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa ay ku jireen saraakiil katirsanaa kooxdaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda fuliyeen howlgallo lagu naafeeyay kooxda Al Shabaab laguna gaarsiiyay khasaarooyin xooggan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in howlgal ciidanka ka fuliyeen deegaanka Xawaadley iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw lagu dilay ku dhawaad 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay in xubnahaasi la dilay ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Afhayeenka ayaa sheegay in saraakiisha lagu dilay howlgalka ka dhacay Xawaadley ay ku jiraan  Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana howlgalladaasi ciidanka u fuliyaan qaab kaddis ah , iyadoona ciidanka dib uga soo laabtaan salshiyada ay ka duulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo wax laga bedelay

Caydiid Ali

Dabaaldegyo lagu soo dhoweynayo curashada sanadka cusub ee 2019 ka oo si wayn ugu socda Dunida (Daawo Sawirada)

admin

Guddiga Amniga Muqdisho oo caawa digniin adag soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---