Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsato badan oo goordhaw Muqdisho loogu dhaawacay Kaamiradda CCTV owgeyd

Waxaa daqiiqado kahor xaafada loo yaqaa SS-ta ee katirsab degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, loogu dhaawacay afar nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana raggaasi la weeraray looga tagay meyd ahaan.

Ragga la dhaawacay ayaan ilaa hadda wax xog dheeraad ah laga heyn waxa ay ahaayeen iyo sababta loo beegsaday, waxaa socda baaritaanno ay wadaan laamaha amniga Dayniile gaar ahaan booliiska iyo nabadsugida.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka la dhaawacay ay ahaayeen ganacsato, kuwaa oo la sheegay in dukaaman ay lahaayeen ku xireen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV iyaga oo fulinaya amarka dowladda.

Jimcihii ayaa sidaan oo kale xaafada Suuqa Xoolaha loogu dilay nin ganacsade ahaa, kaa oo isna la sheegay in loo dilay sababo la xariira in kaamiro ku xiray goobtiisa ganacsi.

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxay tahay heyadda cusub ee uu daahfuray Raisul Wasaare Rooble?

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin

Weriye ka tirsan SNTV oo ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxii Basra

Caydiid Ali
Taboola Ads ---