Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxdii ku soo hartay shirka wadatashiga?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay qado sharaf uu  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamsa Cabdi Barre ugu sameeyay xubnaha golaha wadatashiga Qaranka oo Muqdisho shir uga socdo.

Waxaa ka maqnaa kulankaas Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay ka baxay shirka kuna laabtay Kismaayo markii uu ka biyo diiday qodobo la isku qabtay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Villa Somalia uusan ku soo dhammaan natiijo la’aan, laakiin madaxdii ka qeybgashay qaarkood ay ku jiraan-la tashiyo.

Xamza Cabdi Barre, oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu weynaa ee shirka looga hadlay, ayaa sidoo kale u caddeeyay shacabka inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa sheegay in wali ay socdaan wadatashiyada ay leeyihiin xubnaha shirkaka qaybgalaya, islamarkaana dhawaan la soo saari doono war-murtiyeed rasmi ah oo ku aadan waxyaabihii shirka looga wada hadlay.

Related posts

Dekadda Garacad oo lagu wareejinayo Shirkad Imaaraadka laga leeyahay iyo Digniin laga soo saaray

Cabdi Cade

DEG DEG: Qaraxyo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ra’isul Wasaare Kheyre oo Brusells kula kulmay madax kala duwan oo ka tirsan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---