Allbanaadir.com
NEWS

Garoonka Diyaaradaha Ballanbale oo xarigga kaga jaray (Sawirro)

Madaxweyanaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowso Maxamed Cigaal ayaa maanta xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada degmada Ballanbale iyo dowlad goboleedka Galmudug ay iska kaashadeen dhismaha garoonkan maanta xarigga laga jaray, waxa uuna sheegay in garoonkan wax badan u tari doono dadka deegaanka.

Axmed Qoor Qoor ayaa munaasabadda xarig jarka ka ballanqaaday in maamulkiisa uu dhammeystiri doono waxyaabaha ka dhimman garoonka degmada Balanbale ee maanta la xarig jaray, waxa uuna amaan u jeediyay dadka deegaanka ee gartay muhiimada dhismaha garoonkan.

Degmooyin badan oo katirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa leh garoomo diyaaradeed oo qaarkood si qurux badan loo dhisay, waxaasa xusid mudan in wali aan la dhisin uuna yahay mid laga naxo garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin fududeeyay Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay in xal KMG ah loo helay Internetka & cilad weli jirta (Akhriso)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo ka hadlay xaalada Boqor Salman oo maalmo ka hor maray Qaliin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---