Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo Erdogan oo Wadahadal muhiim ah yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Galmudug oo qaaday talaabo lagu diirsaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Gantaal khasaaro geestay ku weeraray Tel Aviv

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo hal arrin u tagay degmada Cadale (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---