Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ceelbaraf (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi la socda  ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee katirsan gobalka Shabeellada Dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.

Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle.

“Waxaan diirada saari doonaa waqtiga aan halkan joogno sidii nabad waarto loo heli lahaa. Dadkan waa walaalo wada dhashay.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Ceel-Baraf soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa, waxa uuna kulamo la qaadan doonaa maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Taliyihii hore ee Sirdoonka Sacuudiga oo kashifay sir culus

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulankii Xassan Shiikh & Dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---