Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro dhimasho geestay oo ka dhacay degmada Ceeldheer

Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,ayaa sheegaya in deegaan hoostaga degmadaasi uu saakay ka dhacay qarax miino oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa miino ayaa ka dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana wararku sheegayaan in qaraxu haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah , waxaana qaraxaasi ku dhintay hal qof , halka qof kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Qofka ku dhintay qaraxa miino ee ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer ayaa magaciisa lagu sheegay Aways Cali Guure (Butugeey), ninkan dhintay ayaana kamid ahaa dhallinyarada Ceeldheer, waxaana qofka kale ee dhaawacmay xaaladiisa lagula tacaalayaa isbitaal kuyaalla degmada.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaana halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku raadinayaan miinooyin kale oo laga cabsi qabo in kooxda Al Shabaab agaasi ay ku aaseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Volcano halis ah oo ka qarxay Buurta Merapi iyo digniin culus oo laga soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga digay in Maxaas u raaco Wasiirka Gaashaandhigga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---