Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad siyaasadeed oo caawa ka taagan Madaxtooyada

Wararka ka imaanaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha , ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka taagan tahay xiisad siyaadadeed oo ka dhalatay magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen.

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo caawa kulan ka yeelan lahaa magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad oo dalka yeesho ayaa waxaa buuq ku furay xildhibaanno kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Xildhibaannada Direed oo horkacayeen wasiirro ayaa diidanaa magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad , waxa ayna la kulmeen Ra’isul Wasaare Xamse Barre kana dalbadeen in uu joojiyo magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad.

Sida xogta ku helnay Xildhibaannada Direed ayaa iyaga oo careysan ka tagay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxa ayna tageen dhanka xafiiska Madaxweynaha oo iyana la sheegay in ay ku fashilmeen la kulankiisa loona sheegay in uu mashquul yahay.

Xildhibaannadan kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaana si weyn u diidan qorshaha lagu sameenayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad uu dalku yeesho waxa ayna garab istaag u muujinayeen Ra’isul Wasaare kuxigeenka koobaad ee dalka Saalax oo hadda khilaaf kala dhaxeeyo Xamse Barre.

Related posts

Booliska Muqdisho oo xiray nin falal anshax daro ah ku faafiyey barta Tiktok

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta Hawiye qaarkood oo shalayto ka jooga xil ka ridistii Ra’isul Wasaare Kheyre .!!

Cabdi Cade

Mucaaradka oo ka cabsi qaba talaabo ay damacsan tahay dowlada Somalia

admin
Taboola Ads ---