In ka badan 200 oo arday oo Deeq Waxbarasho ka helay dalka Itoobiya (Daawo Sawirada)

Wasaaradda waxbarshadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay  dowlada itoobiya.

ardaydan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad eeMasterka , halka 177- Arday  ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ahc Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir , Safiirka Dowlada Ethiopia u jooga Soomaaliya iyo Agaasimayaal ka socday wasaaradda waxbarshada XFS ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Safiirka Dowlada Ethiopia u fadiya Soomaaliya jamaaludiin Mustafa  ayaa sheegay in markasta ardayda Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin deeqaha waxbarasho,

“Markasta waxaan jecelnahay in ay Soomaaliya horumar gaarto waxaan jecelnahay in ardayda soomaaliyeed ee wax ku soo barta dalka Ethiopia ay sameyaan dadal dheeri ah jaamacaddaha dalka Ethiopia waa jaamacaddo qofka lagu barayo maadooyin adag sidaa darteen waan hubaa in ardayda soomaaliyeed ee wax ka baranaya dalka Ethiopia ay sameyn doonaan dadal dheeri ah”ayuu yiri danjiraha itoobiya ee Soomaaliya.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda waxbarshada XFS, Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulee jaabir  ayaa ardeyda kula dardaarmay inay  ka faa’ideystan deeqada waxbarasho ee la siiyay.

“Waa maalin farxadeed waxaan rabnaa in aan soo celino rajada dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaad ku hesheen waxbarashada magaca jamhuuriyada federalka Soomaaliya waxaadna harsaneysaan oo aad ku tageysaan calanka baluuga ah,waxaa lagu keenay deeqdaan waxbarsho hishiis saaxiibtinmo  oo ay wada galeen labada dowladood Ethiopia iyo Soomaaliya,waxana ugu horeya waxbarashada caafimaadka amniga iyo habsami u socodka labada doowladood” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada .

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale deeq waxbarasho ugu dirtay ardey Soomaaliyeed dalalka Suudaan iyo shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -