Ciidamo katirsan Koofiyo Casta oo tababar loogu soo xiray Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta tababar socday mudo sadex bilood ah xarunta Madaxtooyada loogu soo xiray ciidamo katirsan Ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya , waxaana ciidankan katirsan yihiin ilaalada gaarka ah ee xarunta Madaxtooyada.

Munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidankan waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi, Abaanduulaha ciidanka Xooga,taliyaha ilaalada Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda G/dhexe Xassan Aadan Dhicisow ayaa sheegay ciidankan oo tiradoodu tahay 129 askari la baray qaybaha kala duwan ee daruusta ciidanka.

Waxa uu sheegay taliyaha in 30 ka mid ah ciidankan si gaar ah loogu tababaray iney bixiyaan salaan sharafta, waxa uuna kula dar daarmay ciidankan in ay kasoo baxaan waajibka loo igmaday.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidankan Milatariga u socdaan tababaro kala duwan oo sare loogu qaadayo aqoontooda, waxa uuna bogaadiyay ciidankan cusub ee maanta tababarka loo soo xiray.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si gaar ah loo siiyaa tababaro xirfadooda sare loogu qaadayo, waxaana sanad walbo tababaro loo sii xiraa ciidamo badan oo kamid noqonaya Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -