Daawo Sawirada: Ardey ku guuleysatay Imtixaankii Deeqda Waxbarasho ee Shirkadda  Hormuud

Munaasabad lagu soo bandhigayay Ardeydii ku guuleysatay Imtixaankii ay ka qaaday shirkadda Hormuud qaar ka mid ah Ardeydii sanad dugsiyeedka 2018-2019 ka qalin jabisay dugsiyada sare ee dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta shirkadda, Ardeydii guuleysatay iyo Waalidiin ayaa lagu soo bandhigay tirada Ardeydii nasiibka u heshay deeqda Waxbarasho oo ay ugu tala-gashay Shirkadda Hormuud oo dhan 30 Ardey kuwaa oo ka soo dhax-baxay 300 oo Ardey oo ka qeyb-gashay Imtixaanka Shirkadda.

Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi [Okiyaale] oo ah guddoomiye ku-xigeenka Hormuud Foundation kana mid ahaa macalimiintii Imtixaanka gacanta ku heysay ayaa sheegay in siweyn ay isaga xil saareen Imtixaanka, waxaan uu intaa ku daray in ay ku dadaaleen in Ardeydu  helaan cadaalad.

‘’Imtixaan waan uun Imtixaan, Ardeyda guuleysatay waan hambalyeeynayaa, waxaan hubaa in ay cadaalad heleen oo lagu dadaalay’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Okiyaale.

Madaxa Guddiga Imtixaanka Sheekh Cabdiraxiin ayaa sheegay in si aan loo shakin Imtixaanka iyo natiijada laga ilaaliyay in warqadaha lagu qoro magacyada Ardeyda taa badalkeedana la isticmaalo oo kaliya tiro ama Number’s.

Ardeyda ku guuleysatay Imtixaanka ayaa ka heli doona Jaamacadaha dalka Deeq Waxbarasho oo lacag la’aan ah oo Ardeydan ugu tala-gashay shirkadda Hormuud oo sanad walba qabata Imtixaankan oo kale.

Qaar ka mid ah Ardeydii guuleysatay oo munasabada ka hadashay ayaa siweyn uga mahad celisay tallaabada ay shirkadu ku dhiiri-galineyso Ardeyda Soomaaliyeed, waxeyna sheegeen in deeqdan ay helleen ku soo beegan-tay waqti ay aad ugu baahnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -