Maamulka Puntland oo eedeyn cusub u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Cadaaladda, Arimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa ku eedaysay dawladda Federalka Soomaaliya inay siyaasadaysay arimaha xajka lana musuqmaasuqay qoondadii ay Puntland ku lahayd.

Wasiirka cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta in ay siyaasad galisay arimaha xajka islamarkaana ay diiday inay wax talogelin ah ka siiso dawlad gobaleedyada dalka.

”Dawladda Federalka Soomaaliya way siyaasadaysay Xajka,11 kun ayaa sannadkaan la siiyey Soomaaliya 700 oo kaliya ayaa la siiyey xujayda Puntland, mana ahan wax u wanaagsan Soomaalinimada mana aqbalayno” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland .

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa intaa ku daray in haddii sida hada wax u socdaan wax laga badali waayo ay Puntland ka tashan doonto ka qayb galka Xajka sannadka soo aadaan ayna si madax bannaan u dhaqmi doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -