RW Ku-xigeenka dalka oo furay shir looga hadlayo arrin xasaasi ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa madasha ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in la wiiqo afkaarta ku dhisan argagixisonida ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu wiiqay awooddii al shabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee sida uu sheegay ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Waxaa uu sheegay in Dowlada Somalia oo kaashaneysa culimada Diinta iyo qeybaha bulshada ay dagaal kula jirto tirtirida fekerka xagjirnimada oo uu sheegay ineysahn qabin diinta Islaamka

Shirkan waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan DF, wakiilo ka kal socda dalalka deeqda bixiya iyo heyadadaha caalamiga ah iyo xubno kale.

- Advertisement -