Daa’uud Cadar Cilmi oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidanka Booliska DF ayaa isgoyska Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah maqribnimadii caawa.

Daa’uud Cadar Cilmi oo ka mid ah dhalinyarada ku xamaasha booto bajaajka ayaa waxaa si bareer ah rasaas ugu furay askari ka tirsanaa ciidamo Boolis ah oo ku sugan bar kontrol oo ku taalla aargada laga galo degmada dayniile.

Xiliga dilku dhacayey ayaa waxaa goobtaas ka jirtay saxmad ama mashquul badan, maadaama la joogay xiligii afurka.

Askariga dilka geystay ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen inuu ka baxsaday goobta, iyadoo meydka wiilkii lagu dhex dilay mootadiisa loo qaaday xarunta dembi baarista Booliska CID ee magaalada Muqdisho.

 

- Advertisement -