Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Dalacsiiyay saraakiisha iyo ciidanka jooga Xarardheere (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa gaaray Degmooyinka Xaradheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida ummaadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheereoo, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Hoggaanka tiirarka Xukuumadda (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

Caydiid Ali

Somalia oo gudoontay dhaqaale loogu talo galay la dagaalanka Coronavirus (Sawirro)

Caydiid Ali