Allbanaadir.com
NEWS

Shimbiro dhibaato ku hayay garoon diyaaradeed oo loo helay xal lagu cabsi gelin karo

Garoonka diyaaradaha Fairbanks ee kuyaalla gobolka Alaska ee dalka Mareykanka ayaa waxaa dhibaato badan ku hayay oo shaqadiisa khal khal galiyay shimbiro tiro badan oo garoonka soo gala.

Waaxda gaadiidka ee gobolka Alaska ayaa bilaabay raadinta xal wax looga qaban karo shimbiraha garoonka dhibay, waxa ayna sameeyeen robot cabir ahaan la eg eeyga, kaas oo la rabo in lagu cabsi geliyo shimbiraha garoonka iska yimaada.

Robotkan afarta lugood loo sameeyay ayaa waxa loo habayn doonaa si uu ugu ekaado mid ka mid ah xawayaanada wax ugaarsada oo ku dhex wareegaya dhabbaha dayuuradaha ku ordaan ee garoonka Fairbanks.

Khubarada hooshan wada ayaana tijaabinaya sida robotkan u cabsi gelin karo shimbiraha iyo xayawaanada kale ee garoonka soo gala, kuwaa khal khal ku abuura diyaaradaha garoonka ka duulaya iyo kuwa kasoo degaya.

Garoonka diyaaradaha  Fairbanks sannadkii hore waxaa soo galay oo soo weeraray shimbiro aad u badan, shimbiraha ayaana laga cabsi qabaa in ay sababi karaan shilal iyo in ay galaan matoorada diyaaradaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & rabshado xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Droupadi Murmu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay safiirka Somalia

Caydiid Ali

(Akhriso) Koox loo heysto dembiyo culus oo la soo taagay Maxkamadda G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---