Wasiir Cali Mareyxaan oo si weyn u dhibsaday Warar ay baahisay Idaacadda BBC-da

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u dhibsadeen warar iyo warbixinno ay baahisay idaacada BBC-da, kuwaa oo looga hadlayay khilaafka dhinaca hawada iyo sidoo kale heshiiskii Adis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin olole uu ku sheegay borobagaando oo ay BBC-du ku foogan tahay ee ka dhanka ah Somaliland.

Waxa uu sheegay wasiirka Warfaafinta inay madaxda laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ay u gudbiyeen qoraalo xiriir ah oo caddaymo watay, hase ahaatee aanay waxba ka qaban waxyaabihii looga digay sida uu tilmaamay.

“Ololaha borobagaandada ka dhanka ahĀ  Somaliland iyo dadkeeda ee ay wado idaacadaĀ  BBC-du maaha mid loo dul-qaadan karo gabi ahaanba, dulqaadka ayaana naga sii dhamaanaya” ayuu yiri wasiir Cali Mareyxaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in BBC-da u direen waraaqo badan ayna kaga codsadeen in ay joojiyaan buun buuninta iyo wararka been abuurka ah uu sheegay in ay ka dhan yihiin Somaliland.

“Waxaanu u dirnay cabashooyin badan madaxa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, kuwaasi oo ay ku lifaaqnaayeen caddaymo. Waxaanu uga dignay inay joojiyaan doodaha la buun-buuniyo iyo wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Somaliland.laakiin halkii ay wax ka qaban lahaayeen waxa ay gabi ahaanba doorteen wax ku lid ah waxyaabaha looga digay iyagoo si xawli ah ugu foogan sumcad dilka Somaliland.” ayuu yiri Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa marar badan horey uga mamnuucday deegaannada maamulkeeda dhageysiga idaacada BBC-da lamana oga hadda go’aanka ka dhanka ah BBC-da ay qaadan doonaan maamulka ,haddii ay ka waayaan rabitaankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -