RW Khayre oo shaqada ka joojiyey Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumadiisa

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia.

Sababta Shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka ayaa lagu sheegay ka dib soo jeedin ka timid xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir si loogu sameeyo baaritaano la xiriira ku lahaanshaha fal dambiyeedyo lagu eedeeyey..

Ilo-wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir online u sheegay in sababta shaqo joojinta Wasiir ku xigeenka ay tahay tuhun la xiriira ku lug lahaanshaha  shabakad ku howlaneyd dhaqida dollar la been abuuray.

Hay’adda NISA ayaa dhowaan shaacisay iney garoonka Aadan cadde ku qabteen shabakad ku howlaneyd dhaqida dollar been abuur ah, iyagoo xusay inuu howlahooda u fududeynayay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo aysan magaciisa sheegin, hase ahaatee waxaa hadda soo shaac baxday in xildhibaankaas uu ahaa wasiirka shaqada laga joojiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -