Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo garab istaagtay Boqortooyada Sacuudiga uu Cadaadis heysto (Akhriso)

Dowlada Soomaaliya ayaa taageero iyo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudiga uu hada heysto cadaadis kaga imaanaya caalamka oo ka dhashay Wariye lagu tuhmayo in ay dishay Boqortooyada.

Qoraal afka Carabiga ku qoran oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay dowlada  Federaalka Soomaaliya ka soo horjeedo cid kasta oo dhib u geysaneysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xukuumada Somalia.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay mar kale cadeeneyso mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta,waxa ayna cadeysay dowlada Somalia in garab taagan tahay Sacuudiga.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuleyl xad dhaaf ah oo saameeyey qeybo ka mid ah Yurub & Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya Muddo kororsiga & xaalada Somalia

Caydiid Ali

Wasiir Sadiiq Warfaa oo Khudbad ka jeediyay Shir Caalami ah oo ka socda Geneva

Cabdi Cade
Taboola Ads ---