Doorashada Madaxweynaha & Ku-xigeenka Puntland oo goor dhow bilaabaneysa

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa gor dhow ka bilaabaneysa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ololaha kala jiidasha Xildhibaannada ayaa si weyn saacadihii u danbeeyay uga socday magaalada Garoowe iyadoo Musharrax kasta xoogga saarayo in uu helo codad uu ku soo baxo.

Amniga Caasimadda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la xaddiday isu socodka gaadiidka dadweynaha nawaaxiga Xarunta Baarlamanka ee ay ka qabsoomayso doorashada.

Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa isu diiwaan-geliyay min 11 Musharrax taasoo tirada guud ka dhigaysa 22 Musharrax balse wararka ayaa xaqiijinaya in qaarkood ay tanaasuli doonaan ka hor inta aysan doorashada bilaaban.

Musharrixiin u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo xalay lacago badan qaybiyay ayaa loo badinaya inay safka hore ka galaan Doorashada inkastoo aysan mar kasta Lacagtu go’aamin Natiijada kama dambeysta ah.

- Advertisement -