Saciid Ciise: “Caqiido & cibaado Oromo sinaba dhul Soomaaliyed looguma hibeyn karo”

Geeska Africa waxaa asal ahaan wada degenaa Soomaali, Oromo, iyo Caafar oo isir ahaan iska ag dhowaa, Waxeyna Soomaalidu degenaayeen dhulka gobolka Shawo ka soo hooseeya ilaa iyo xeebaaha badda cas iyo badda Hinidiya, waxeyna Soomalidii hore lahayd awooda ugu weyneyd Geeska Africa, iyadoo qeyb ka ahayd caalamkii hore dowladaaha safka hore uga jirey oo ganacsi xooggan uu kala dhexeeyey oo ay lalahaayeen ummaddihii berigii hore jiri jirey, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Carab, Yuhud, faraaciin, Shiineys, Hindi, iyo qowmiyadihii degenaa Bariga kofureed ee Yurub, waxeyna Soomaalida boqortooyoonikeedii ugu horeeyey ay ka jireen deegaanka Shawa iyo Harar oo ay lacagtoodu ahayd Dahab, ganacsiga daaahabkana uu kala dhexeeyey boqortooyooyinkii Yuhuda.

Waxaa deegaanadii Geska Afrika u soo haajirey dad ka soo qaxay burburkii ku dhaacay saldanadii Nebi Suleymaaan ee ka jirtey Bariga Dhexe, gaar aahaan xukuumadii ka talineysey dhulka Yemen, waxeyna dadkaas ay ahayeen kuwo ka duwan af ahaan iyo midab ahaan dadkii isku eekaa ee horay u wada degenaa Geeska Afrika, waxeyna soo galootigaas iyagoo cabsi ka qaba dadka ay u yimaadeen oo ay ka ilbaxnimo roonaayeen, dad ahaana ay iskala weynaayeen ayey waxey si gooniya u saldhigteen buuraleyda ku yaaleen waqooyiga Geeska Afrika, waxeyn deris iyo dal wadaag la noqdeen Oromaada iyo Cafarta, meesha aay ku adkeyd iney soo gaaraan Soomaalida oo ay horay uga maqli jireen ilbaxnimadeeda faca weyn ee k u tiirsaneyd Masarida.

Dadkii soo galootiga ahaa waxey la baxeen magaca Abasiniya oo ah dadka degen dhulka buuraleyda ah, waxeyna halkaas ka bilaabeen saladand ku dhisan boqortooyo oo maarkii dambe ku fiday xeebaha Eriteriya, waxaana halkaas ka dhashay Qowmiyada Xabashida oo ka kooban Amxaarada iyo Tigreyga, kuwaas oo deegaanka keenay diin cusub iyo nidaam xukun dowladnimo oo ay ka soo minguuriyeen dowladii Nebi Suleyman, waxeyna ay isi siiyeen iney yihiin dadkii Ilaahey doortay oo uu u doortay iney degaan dhulka Geeska Afrika, iyagoo fikirkaas uga daydaay Yuhuda oo xiligaas uu aahaa qadiyadaas mid la isaga daydo oo lagu muujiyo iney dadka kale ka sareeyaan, waxeyna taas ay si sahlan ugu horseeday iney gumeystaan dadkii ay deegaanka ugu yimaadeen marka laga reebo Soomaalida oo intooda kale ay rumeysteen sareynta ilbaxnimada cusub oo ay ula yimaadeen.

Soomaalida ma aysan jecleysan soo galootigaas la baxay Abasiniya, maxaa yeelay Soomaalida waxey haysteen xadaarado diin ahaan ku tiirsanay caqiidooyinka ka jirtey Masaarida iyo Sudan madoobeyd oo rumeysnaa dhaqanka Kushitiga oo ku fidsanaa ilaa xeebaha Waqooyiga Afrika, waxeyna taariikhdaas ay kumanaan sano ka horeysaa dhaalashada Nebi Ciise oo tariikhda cusub laga soo bilaabo, waxaana ka bilowday Geeska Afrika naaceyb colaadeed oo ay isku diidan yihiin Xaabashida soo degtey iyo Soomaalidii hore, waxeyna coladaas dhexmartay laba qowmiyadood ay keentay in Soomaalida ay garabkeeda ka baxaan Oromada iyo Cafarta oo doorbidaay iney u qadaamaan Xabashida, guushaas oo xabashida u horseeday iney xiriir la sameystaan boqortooyooyinkii xoogga badnaa ee isaga dambeeyey xukunka Yurub iyo Bariga Dhexe, waxeyna taasi dhalisay in maaagaac wadan uu ka curto Abasiniya oo Yurub, gaar ahaan Griigu u bixiyey Ethiopia oo macnaheedu ah dhulka ay degen yihiin dadka wajigoodu gubtey.

Ethiopia oo ciidaan ahaan iyo qalab ahaanba xoogeysatey ayaa u soo degtey dhulka fidsan oo ay Soomaalidu degto, waxeyna la galeen dagaalo isdaba joogey, iyagoo ay ka barbar dagaalamayaan Xabashida ciidamo shisheeye oo ka kala yimid koofurta Yurub oo xiliyadaas ay hogaanka u hayeen Griigu, waxeyna xeeladihii iyo qalabka daagaalka cusub oo ay Yurub keentay Geeska Afrika saababtay in Boqortooyadii Soomaalida lagu jebshey deegaanada shaawa iyo Harar oo si arxandaran oo argagax leh loo xasuuqay, haddana si cabsi leh deegaankoodii looga soo barakiciyey, waxaana taas xigtey qorashah ay Xabashidu ku dooneysey in Oromada iyo cafarta ay aad uga durkiso deegaanka ku wareegsan Adis Sababa, sidaasna waxey dagaal la’aan ay Oromada iyo Cafartu ay si sahlan ugu suurtogashay iney ku soo fido oo ay degaan dhulkii ay Soomaalida ka barakicisay oo gaalkacyo wixii ka xiga waqooyiga ay si tartiiba ugu soo guureen.

Waxaa u fududeeyey Oromada iney ku soo fidaan dhulka waqooyiga Soomaaliya, kadib markii ay dhacday in Soomaalidii la jebiyey ay u kala jjaabtaay kuwo dhul weynaha Soomaaliya xeebihiisa dib ugu soo cararay iyo kuwo koofurta Shawa u qaaxay oo ku dhex milmaay dadkii degenaa gobolada Bali iyo Sidaamo oo intooda badan aan Oromo ahayn, waxaana intaas dheereyd in Soomaalida degeneyd waqooyiga oo ahay xiligaas kuwa tiro ahaan Soomaalida ugu badneyd iney ahayeen sida Oromada kuwo aan dagaalamin oo isdhexgaalka iyo wada noolashaha dadyowga kale soo dhowynayey, sidaasna ay qarniyal badana ugu sii dhex milmayey Oromada iyo Cafarta, waxeyna Soomaalidii waqooyi degenaayeen ay laahayeen dhul aad u baaxad weyn oo aahaa mid ka soo bilowda deegaanada Galkacyo ka xigey waqooyiga ila laga gaarayo buuraha Abasiniya degto, waxeyna Soomaalidaas aay deegaano badan u ogolaadeen iney la degaan Oromo, Cafar, Carab iyo wixii kale oo ay iska dhex dhalaan xaabashi iyo Carab.

Soomaalida kofureed waxey ku qaadatay qarniyo fara badan iney jabkii gaarey ka soo kabsadaaaan oo aay dagaal ku soo rogaal celiyaan Xabashida iyo kuwa ay gabaad ahaan u adeegsaneysey oo deris ahaan iyo isir ahaan ay Soomaalida iska xigeen Xabashida, waxeyna Soomaalidu ay waagii hore u taqaaney Oromaada magaca Qoti oo ah Beera qodato, waxeyna lahaayeen maagacyo ay ka mid ahayeen: Danakiil, Caruus, iyo Gaalo, waxaana u suurtoobey Soomaalida degen koofurta oo ciil badan qabey iney dalkooda dib uga kiciyaaaan Oromadii iyo Cafarta, kuna celiyaan deegaanadoodii ay ka soo qaxeen, waxeyna naceybka u dhexeeya Soomaalida iyo Xabashida uu gaarey qarniyaal badan oo colaadi ay ka dhexeysey oo xataa ku kaliftay iney kala qaataan laba diimood oo kala ah Kiristaan iyo Islam.

Wakhtiyadii dambe Xabashidu waxey ku hamineysey in Soomaaliya ay madaxa ka disho, waxeyna taas ula jeedeen in Muqdisho oo ah magaalo madaxda Soomaliweyn oo ah iftiinka rajadda ummadda Soomaaliyeed iney ka dhigto midey tirtirto jiritaankeeda ama ay hoos keento xukunkeeda, waxaana dadka reer Muqdisho ay khasaaro weyn oo aysan hilmaami karin ay ka soo gaartey duulaankii Xabashidu ay ku Soo qaaday Muqdisho 2008 iyadoo garabsaneysa xooggag caalamiya, waxeyna ayna duulaankaas ku dishey kumanaan ah dad rayida, intii ka badbaadana ka barakicisay Muqdisho, waxeyna taasi ahayd mid dadka reer Muqdisho ay ku waayeen waaridkood, walaalahood, hooyooyinkood, iyo ubadkoodii, waxaana xasuuqaas horsed u ahaa askari Soomaaliyeed oo xukun doon ah oo isaga hortiisna uu uga horeeyey askeri Soomaaliyeed oo burburiyey Muqdisho iyo shacabkii ku noolaa.

Shacabka Soomaaliyeed waa iney si dhaba u rumeystaan ineysan marna suurtogal ahayn in hogaamiye ka soo jeeda koofurta Soomaaliya oo xogogaal u ah waxa ay u geysteen Xabashidu shacabka reer Muqdisho inuu Xabasho iyo qabaanadooda uu dhul u saxiixayo, waxaana maanta maahad weyn mudan hogaamiyaaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa, raisulwasaare Mudane Xamze Cabdi Bare oo si geesinimo leh uga horyimid riyada Ethiopia ay ku daamacsan tahay iney shilimaad yar ay ku hanato dhaxalka ummadda Soomaaliyeed ama ay sida bareerka ah ay ugu diideen iney u ogolaadaan dhaxal wareejinta uu sameynayo askeri Soomaaliyeed ee kelitalisnimo ku doonaya xukun uu waakhti dheer haysto, waxeyna ummadda Soomaaliyeed ay marqaati buuxada ka tahay kalsoonida buuxda oo ay muujiyeen hogaamiyeyaasha madaxda ka ah qaranka Soomaaliya oo ay sida xushmad leh ay u difaaceen madaxbanaanida iyo midnimada dhulka Jamhuriyaadda Soomaaliya, haddaana isla markaas ay si qadarin mudan ay u ilaaliyeen anshaxa diblomasiyada martida oo ay ka mid tahay safarada iyo shaqaalaha Itobiya inaan laagu xadgudbin, iyo weliba hantidooda sida Ethiopan Airlines oo ay saamiyo waaweyn ku leeyihiin wadamo qarsoon oo addunka saameyn weyn ku leh.

Koofurta Soomaaliya shacabkeeda wax kasta oo ku dhaca waxaa kala weyn Soomaalinimada, waxeyna walaalahooda Somaliland u hayaan abaal weyn oo ah iney iyagu lahayeen midnimada Soomaaliya iyo jiritaanka Jamhuriyada Soomaaliya oo gashay diiwaanka xiirirka caalamka iyo ka mid noqoshada ururuaada caalamka oo ay ku heshay aqoonsi madaxbanaani iyo jiritaanka wadan dhulkiisa uu u aqoonsaday caalamka inuu yahay hal mid ah oo lama taabtaan ah, sidaas daradeedna maanta looga baahan yahay shacabka Somaliland iney baraarugaan oo aaysan u ogolaan askari raba inuu xukunkiisa xoog ku meelmaarsado aama aysan ka yeelin inuu burburiyo midnimada dhuleed ee hadada Somaliland loo aqoonsaan yahay, waxaana sidaas si la mida looga baahan yahay shacabka Somaliland iney garawsadaan in aqoonsiga Somaliland ay u baahan tahay ay ku xiran tahay iney aqoonsi ka helaan 130 dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, wixii intaas ka baxsana uu yahay dhalanteed ummadda Somaliland lagu mariin habaabinayo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Col. Muse Bixi Cabdi waxaa looga baahan yahay inuu qabto doorasho ka madaxbanaan faragelinta Itobiya, haddii ay taasi dhici weysana waxeysan hureyn in Soomaaliya ay qaadato doorkeeda uga aadan dimoqaradiyeynta dalka iyo isku haynta midnimada dalka oo wixii intaas ka sii aamusnaana ay ka dhalan karto xasiloonidaro iyo in dagaal sokeeye uu ka dhaco gobolada Somaliland, waxeyna Soomaliya adeegsaneysaa awoodaheeda sharciga ah oo u ogolaanaya iney difaacdo shacabkeeda, kana hortagto iney degaanadaas ay ka dhacaaaaan dagaalo sokeeye oo aay Itobiya ku lug leedahay, taas oo ku kalifeysa Soomaaliya iney iskaashi kala sameyso wadaamada caalamka sidii ciidamo ay qeyb ka tahay loo geyn lahaa Somaliland si ay uga wada shaqeeyaan xasiloonida aamniga goboladaaas iyo ka hortegida faalaagonimaada ay daaha gadaashiisa ka soo riixayso maamulka Oromada ee talada Itobiya la gebi dhacleyneysa, iyadoo isku muujinaysa iney iska gadayaan xabashida laahaan jirtey oo ahayd madaxdooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -