Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ku biirtay Waddamo Iskaashi wadaag la yeelanaya Midowga Yurub (Sawirro)

Dowladda Faderaal Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si buuxda ugu biirtay wadamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub (EU).

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa heshiiskaaas ku saxiixay Munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka Africa, ee Brussels.

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub, waxa ayna labada dhinac isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul Insaanka, iyo arrimo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay qeyb ka noqotay ururo iyo hay’addo caalami ah, waxa ayna dowladda xoojineysa xiriirka kala dhaxeeyo caalamka intiisa kale, iyagoona waxyaabo badan ka faa’iidi doonto ku biirista ururadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo ka degtay Boosaaso

Cabdi Cade

Gaari maxbuus lagu waday oo lagu weeraray Faransiis iyo saddex sargaal oo la dilay

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---