Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo qiratay in askar badan looga laayay Dagaalka ay kula jira kooxda Xamaas

Ciidamada Israa’iil ayaa khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala kulmay dagaalka ay kula jiraan xoogaga Xamaas ee u dagaallamaya sidii ay Israa’iil uga xureyn lahaayeen dhulka Falastiin.

Duullaanka ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Gaza ayey kala kulmeen khasaaro badan, waxa ayna milatariga Israa’iil qirteen in dagaalka socda muddo labo bil ka badan uu kasoo gaaray ciidankooda khasaaro badan.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in weerarka dhinaca dhulka ah ay ku galeen magaalada Gaza in looga dilay in ka badan boqol askari, halka tiro intaas kabadana dhaawacyo culus kasoo gaareen dagaalka.

Milatariga Israa’iil ayaa saakay oo Isniin ah ku dhawaaqay dhimashada afar askari oo ciidankooda kamid ahaa, saddex kamid ah askartaasi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Gaza halka midka afaraadna uu ku geeriyooday shil.

Qoraal kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaana lagu baahiyay magacyada 430-askari oo Israa’iil looga dilay dagaalka kala dhaxeeya Xamaas tan iyo markii uu bilowday dagaalka 7-dii bishii Ocotober ee sannadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriyeyaal ka tirsan Aljazeera oo mar kale si xun loogu dhaawacay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo baxaya wax yar kadib, Wararkii ugu dambeeyay Galmudug & ganacsatada qaadka oo..

admin

(Daawo) Qisooyinkii cajiibka ahaa ee Nebi Shiish iyo Nebi Idriis Caleyhi salaam

Caydiid Ali
Taboola Ads ---