Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Britain?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kulan kula yeeshay Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell.

Labada Wasiir ayaa magaalada London ku wada saxiixay heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

“Anigoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee booqashada shaqo ku jooga Boqortooyada Ingiriiska waxaan heshiis Iskaashi iyo wada shaqayn ku kala saxiixannay magaalada London Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell”.

Dalka Ingiriiska ayaa safka hore kaga jira dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo howlaha samafalka.

Kulan looga hadlay ansixinta qorshaha Qaran ee caruurta ayaa maanta lagu qabtay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Peter De Clercq oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay R/W kuxigeenka Somalia (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Hoggaamiyaha ugu da`da weyn caalamka oo xilka loo dhaariyay

Caydiid Ali

Xarun labaad oo hey’ada socdaalka ka furatay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade