Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada G/Banaadir oo sheegtay in laga laabtay dacwadii musuqa ee loo heystay..

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay Qaraar ay ku sheegeyso in laga laabtay dacwaddii loo heestay eedeysane AbdiHakiim Abdulaahi abdi (Jiile) oo ah Lataliyaha Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda.

AbdiHakiim Abdulaahi abdi (Jiile) ayaa ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan heyada socdaalka iyo Jinsiyada oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, kuwaasoo haatan dacwadoodu ka socoto maxkamada gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada oo lagu daabacay warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Qaranka oo markii hore soo eedeysay ay haatan la laabatay dacwada masuulkan oo maqane ah, lamana cadeynin sababta keentay in laga laabto dacwadan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

Related posts

C/wali Gaas oo xilalka ka qaaday Saraakiil taageero u muujiyey dowlada Somalia

Caydiid Ali

Xilliga la qabanayo Doorashada kursi ay ku tartamaan Sanbaloolshe iyo xubno kale oo la shaaciyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Aadan Macalin Cali oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere

Caydiid Ali
Taboola Ads ---