Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhaawacyadii ugu horeeyey Gaza oo loo gudbiyey Isbitaalada Masar (Sawirro)

Warbaahinta Masar iyo ilo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyay marinka Gaza ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka Masar, iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar garwadeen ka tahay oo ay wada gaaren Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israel ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Dadka lasoo daadgureeyay ayaa lagu daabbulay gawaarida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah.

Sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Masar, Israel iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka go’doonsan.

heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan.

Isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray Gaza mar kale Arbacadii, sida ay sheegtay shirkada bixisa adeegga isgaarsiinta Gaza ee Paltel.

Related posts

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha xarumo cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo soo bandhigay shuruudo adag oo uu ku joojinayo dagaalka uu ka wado Ukraine

Caydiid Ali

Guddiga doorashada Somaliland oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---