Cali Jeyte oo ka hadlay xilka loo Magacaabay & sababta uu uga tanaasulay hiiraan State

U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka mudane Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Cali Jeyte ayaa sheegay in la joogo xilligii la iska dulqaadi lahaa al-shabaab,

“Ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in loo istaago sidii dalka looga saari lahaa Nimanka dhiigga Beni’aadanka caadaystay.” ayuu yiri Cali Jeyte

Sidoo kale u qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha ciidanka degaanka ayaa ciidanka Macawisleyda ugu baaqay inay xoojiyaan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah al-shabaab, kaasoo hadda ka socda guud ahaan dalka.

Cali Jeyte waxaa uu xusauy in qadiyadii maamulka Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kula kulmeen isaga iyo waxgaradka Xawaadle

“Madaxweynaha ayaa naga codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo aan aheyn la dagaalanka Shabaab, waana ka aqbalnay” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxaa uu dhinaca sheegay inuu soo dhoweynayo xilka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maalintii shalay u magacaabey oo ah u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

- Advertisement -