Ciidamo diidan in shaqsi loo xiro doorashada kursiga HOP059 oo saakay xiray qeybo kamid ah…

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda in doorashada kursiga HOP059 loo xiro dad gaar ah ay xirteen qeybo kamid ah magaalada Baledweyne.

Ciidamadan oo hub kala duwan wata ayaa lagu arkayaa xaafado katirsan magaalada Baledweyne gaar ahaan jidadka gala xerada Lamagalay oo ah madaxtooyada Hirshabelle sidoo kale ah halka doorashada lagu qabto.

Odayaasha beesha iska leh kursiga HOP059 iyo guddiga doorashada ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen in kursigaasi la xiro, waxaana guddiga doorashada iyo madaxda Hirshabelle la sheegay in ay rabaan in kursigaasi loo xiro Xildhibaanadii ku fadhisay .

Kursiga HOP059 waxaa ku fadhisa xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah xaaska Guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh, waxaana kursigan mar kale dooneysa xildhibaanada in ay kusoo laabato oo loo xiro.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Baledweyne ayaa isugu jirat kuwa la furay iyo kuwa shaqsiyaad gaar ah loo xiro, waxaana kuraasta doorashadooda la furay dhammaan looga adkaaday xubnihii ay wadatay Villa Soomaaliya.

Ciidamada hubeesan ayaana sheegay in aysan marnaba oggolaan doonin in doorashada kursigaan dad gaar ah loo xiro, waxa ayna dalbadeen sida kuraasta kale in doorashada kursigan la furo oo lagu tartamo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -