Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Laftagareen iyo Danjire Joachim ayaa kulankooda kaga wada hadlay Xoojinta Wada shaqaynta Safaarada Sweden iyo dowladda Koonfur Galbeed, taageerida wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhan ah Al Shabaab.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadla xoojinta mashaariicda horumarineed iyo taageerada bini’aadanimo ee  dowladda Sweden ku taageereyso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo wakiillo kale oo katirsan beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayo xaalada deegaannada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay xeerka doorashooyinka dalka

Cabdi Cade

Britain oo ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Caydiid Ali

Ukraine oo loo fasaxayo in Dagaalka Ruushka u adeegsato Gantaalada riddada dheer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---