Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sababta dib loogu dhigay bixista ciidamada ATMIS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu dhigtay qorshaha la doonayay in dalka laga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-dhigaas ay ugu wacneyd heshiiskii qorshaha bixista ciidamada ATMIS oo aan ka hirgelin dhanka dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka Midowga Afrika iyo deeqbixiyeyaasha.

Waxaa uu intaa ku daray in labo shardi oo ku xirnaan qorshahaas inay ahaayeen:

  • In la kordhiyo awoodda ciidan iyo qalabka ee ATMIS iyada oo la siinayo taangiyo cusub iyo diyaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca
  • In dowladda Soomaaliya ay abuurto ciidan xoogan oo Soomaaliyeed oo hanan kara amniga dalka oo bedella kuwa nabad ilaalinta

Labadaas qodob oo aan hirgelin ayaa ugu wacanaa dib u dhiga bixitaanka ciidamada Midowga Afrika. Laakiin hadda waxaa dalka ka baxay qiyaastii saddex kun oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Atmis. Kunkii ugu horreeyay ee askari ayaa baxay bishii ugu dambeysay ee sanadkii 2021, halka labada kun ee askari ee kale ay ka bexeen Soomaaliya labo bil kahor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad Diyaaradeed oo badelkii Muusika Rakaabkeeda u daareysa Qasiido Nabi amaan ah

Cabdi Cade

Sultan bin Saad Al Muraikhi oo Warqadaha ka gudomay safiirka cusub ee Somalia

Caydiid Ali

Saddex Wasiir oo dokumentiyo muhiim ku wareejiyey RW Xamse (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali