Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si adag uga hortimid go’aan kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan kasoo baxay wasaaradda wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo ku aadanaa in dalka laga mamnuucayo isticmaalka baraha Tiktok,Telegram iyo 1Xbet.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka khusayn go’aanka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeydu yahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira Puntland aysa fulin karin go’aannada kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in barahan bulshada ay sidoodii uga shaqeenayaan deegaannada Puntland.

“Kuma khasbana shirkadaha Isgaarsiinta Puntland  in ay fuliyaan go’aanka xukuumadda Soomaaliya mana fulin karaan amarada Magaalada Muqdisho ka soo baxay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli xukuumadda Soomaaliya shaacisay in 24-ka bishan la xirayo baraha bulshada ee aadka u isticmaalaan dhallinta ee kala ah  Tiktok, Telegram iyo 1Xbet.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag dilal ka geystay Magaalada Kismaayo oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Xulalkii ka haray Koobka Aduunka oo shaaciyay in Soonka uu saameyn ku yeeshay

Cabdi Cade

Dibed-bax ay ka qeyb qaateen boqolaal qof oo ka dhacay degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali