Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Kabo-kutukade oo eedeyn yaab leh u jeediyey Madaxweyne Xassan Shiikh

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Shabeellaha Dhexe Shiikh Yuusuf Kaba-Kutukade ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh inuu wado abaabul uu beelaha Soomaaliyeed iskaga horkeenayo.

Kaba-Kutukade ayaa hadalkan jeediyey xili inta badan gobolka Sh/dhexe laga bixiyey gacanta kooxda Al-shabaab isla markaana uu haatan socdo qorshe dagaal oo kooxda looga saarayo degaanada ay weli ka joogaan Hirshabelle iyo Galmudug.

“Xasan Shiikh waxa uu rabaa inuu isku dhameeyo dadka ku wada dhaqan Galgaduud, kaasoo qeyb ka ah qorshe lagu dhameystirayo jiritaanka Soomaalida,” ayuu yiri kaba kubokutukade.

Isagoo isku dayaya inuu weji kale u yeelo dagaalka ka dhanka ah kooxdiisa ayaa kubokutukade waxaa uu ku eedeeyey Xassan Shiikh inuu Dhuusamareeb u tegay isku dirka beelaha Galmudug wada dega.

“Iska ilaaliya waxa uu wado Xasan Sheekh Waxaa uu halka ka abaabulayo wax uu anaga nagula dirirayo maaha.” ayuu yiri Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Shabeellaha Dhexe Shiikh Yuusuf Kaba-Kutukade.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo mideysani ay ku doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan al-shabaab, qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorsheyaal muddo dheer laga soo shaqeyayney oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bilood ee soo socota. kuwaasoo uu ka mid yahay in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.

Related posts

Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Puntland oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo dib eegis ku sameyneysa Mushaharka Shaqaalaha rayidka

Caydiid Ali

Dowladaha Saudi Arabia iyo Iran oo qaaday talaabo kale oo lama filaan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---