Allbanaadir.com
NEWS

Nin Muqdisho ku dilay Injineer Ajnabi ah oo lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada

Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lasoo taagay askari katirsanaa ciidanka dowladad Soomaaliya, kaa oo lagu eedeeyay in magaalada Muqdisho ku dilay nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya.

Dilkan ayaa ka dhacay goob dhismo ka socday oo kutaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde 20-kii July ee sannadkan, waxaana goobtaasi lagu dilay nin injineer u dhsashay dalka Kenya oo lagu magacaabayay Fredrick Odhiambo.

Ciidamada ammaanka ayaana gacanta ku dhigay askariga dilka geestay oo lagu magacaabayay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare oo waardiye ka ahaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka geestay, waxaana ninkan loo gudbiyay maxkamadda ciidamada.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigtay eedeymaha dil ee loo heesto ninka dilka u geestay ninka ajanabiga ah, waxa ayna guddoonka maxkamadda ka codsadeen xeer ilaalinta in ciqaab u dhiganta dilkii uu geestay lagu fuliyo eedeesanaha.

Qaar kamid ah saaxiibada injineerka Kenya ee lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday maxkamadda ciidamada in caddaalad u helaan saaxiibkood, waxa ayna sheegeen in dilka loo geestay saaxiibkood ay ka qaadeen wel wel iyo walbahaar.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashgaanle sare Xasan Cali Shuute oo fadhiga dhageysiga kiiskan soo xiray ayaa sheegay in maxkamadda ciidamada soo saari doonto goáankeeda kama dambeysta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Sidee Max’ud Sayid Aadan loogu soo dhoweeyey degmada Doolow?

Caydiid Ali

Shirkadda Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Cabdi Cade

Kulamo caawa ka socda Muqdisho & Goodax Barre oo war yaab leh soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---