Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo magacaabay xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.

Xeerkan uu soo saaray madaxweynw Siciid Deni ayuu ku magacaabay saddex nin oo noqonaya xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland , kuwaa oo la filayo in ay ka shaqeeyaan qabsoomida doorashooyinka Puntland.

Xeerka madaxweyne Deni ku magacaabay xubnahan ayaa u qornaa sida:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1.1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
1.2. Maxamed Abshir Garaad
1.3. Maxamuud Soofe Xasan
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Masar iyo Israa’iil oo heshiis ka careesiiyay dowladda Ruushka la galay Midowga Yurub

Cabdi Cade

Safiirka Israel oo laga ceyriyey xarunta Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---