Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale wajahaya eedeymo hor leh xili uu isku diyaarinayo inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Mareykanka.
Trump ayaa waxaa loo heystaa inuu mid kamid ah shaqaalihiisa ku cadaadiyay inuu tirtiro muuqaal sir ah, xili ay ku sugnaayeen goob uu dalxiiska u tago oo ku taalla gobolka Florida ee waddanka Mareykanka.
Balse Trump ayaa iska fogeeyay eedeymahan, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Joe Biden iyo waaxda cadaaladda oo uu sheegay inay ugaarsanayaan.
Trump ayaa hore u wajahayay 37 dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana haatan dacwadaha guud ee loo haysto ay gaarayaan ilaa 40.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.
Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.
Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.