Gabar ardayad ka ah Jaamacad ku taalla Muqdisho oo lagu dhex dilay fasalkeeda

Gabar ka mid aheyd ardayda Jaamacada Somalia ayaa goor dhow abaarihii 11:30 barqanimo lagu dhex dilay gudaha xarunta Jaamacadaas faraceeda baar Ubax oo ka tirsan degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan oo gudaha u soo galay jaamacada ay fasalkeeda dhexdiisa ku toogteen gabadhan ardayada ah oo magaceeda lagu sheegay Aamino Xuseen Xasan.

Xiliga dilku ka dhacayey ayaa gabadhan iyo ardayda kale ee fasalka la joogtay waxay mashquul ku ahaayeen qaadashada duruusta ka baxda Jaamacada, iyadoo mar kaliya uu jawiga fasalku is bedelay.

Dilka ka dib kala carar iyo argagax xoog leh ayaa ka dhacay gudaha Jaamacada, iyadoo Gabadha la dilay ay wax ka baraneysay kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka, waxayna qaadaneysay duruusta semisterka 8aad.

Ragga dilka geystay ayaa la sheegay iney baxsadeen, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn cida ay ahaayeen raggan iyo sababta ay u beegsadeen gabadhan ardayada ah.

Ciidamada amaanka ayaa hadda ku sugan xarunta Jaamacada Somalia halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waana markii ugu horeysay ee fal noocan uu ka dhaco Jaamacadaha ku yaalla magaalada.

Shaqaalaha dowlada qaarkood, ganacsato iyo dadka kale ee waqtigu ciriiriga ku yahay ayaa maalmaha khamiista iyo jimcaha wax ka barta qaar Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.

La soco wixii ku soo kordha saacadaha dhow insha allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -