Allbanaadir.com
NEWS

Interpol oo Muqdisho kasoo dejisay nin dil u geestay Sargaal Ciidan (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, laga soo dejiyay eedeysane dable booliis Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022-dii degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac dil ka geestay.

Askarigan ayaa la sheegay in dil bareer ah u geestay Marxuum Ex- Xidigle booliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliyeed, askariga dilka geestay ayaana ka baxsaday Muqdisho isagoo u cararay dalka Koonfurta Sudan.

Sida aan xogta ku helnay ehelada sargaalka la dilay oo helay xogta askariga dilka geestay ayaa ku guuleestay in ay u gacan geliyaan booliiska Koonfurta Sudan, kuwaa oo baaritaano kaddib kusoo wareejiayay booliiska caalamiga ee Interpol oo Soomaaliya usoo gudbiyay..

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in eedeysanaha fakadka ahaa xogtiisa la wadeegeen booliiska caalamiga ee loo yaqaan Interpol, kaa oo fududeeyay in eedeesanaha la qabto laguna soo wareejiyo gacanta ciidanka booliiska.

Askarigan dilka geestay ayaa lagu qabtay Koonfurta Sudan bishii Maarso ee sannadkan, waxaana bilihii lasoo dhaafay gacanta ku hayay booliiska Koonfurta Sudan oo baaritaano ku hayay, kuwaa oo ugu dambeyn usoo gudbiyay booliiska Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump iyo Hassan Rohani oo Hanjabaadyo culus hawada isku mariyay

Cabdi Cade

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo beeniyay warar been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade

Shirka Madasha Watashiga Qaran oo Baydhabo ka furmaya iyo qaban-qaabo socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---