Magaalo yar oo ay ku yaalaan xarumaha ugu badan ee daweynta ilkaha !

Los Algodones oo ah magaalo yar oo Mexico ku taal oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 7,000 waxay leedahay xarumaha ugu badan oo lagu daweeyo ilkaha. Waxaana loogu yeeraa magaalada Gowsaha.

Boqolaal dadyow Maraykanka ah ayaa booqda sannad kasta laakiin uma yimaadaan inay ku dalxiisaan xeebaheeda, waxay usoo raadsadaan ilko qurxin, kabid iyo wixii la halmaala. 600 oo xarumood oo u gaar ah daweynta ilkaha ayaa ka furan afarta jid oo magaaladu leedahay. Dad badan oo Maraykanka, Canada iyo xattaa UK ka socda ayaa halkan yimaada. Waxaana kordhay dalxiiskeeda iyo dabcan adeegyada daweynta ilkaha oo ay caanka ku tahay.

Kama jirto magaalada is fulisaad oo qiimaha oo la isku jebiyo. Xarun walbana waxay gaarkeeda u qaabishaa dad macmiil u ah oo ka doorta xarumaha kale.

Los Algodones waxay dhacdaa xuduudda Yuma oo aad lugtaada ku tagi karto. Magaca Molar City wuxuu u baxay kahor inta uusan internet-kuba soo shaac bixin. Maanta waxaa loo jartaa tikidho in lasoo booqdo. Waxaana badi loo yimaada dalxiiska ilko quruxsashada iyo nadaafadda afka. Dhaqaatiirta ugu fiican xagga daweynta ilkaha ee dalka Mexico ayaa ku nool magaaladan.

Marwalba waxay cusboonaysiiyaan adeegyadooda waxayna adeegsadaan qalabyadii ugu dambeeyey caalamka ee dhinaca daweynta ilkaha oo aan dunida kale laga helin, wanaa sababta dad badan ku riixaysa inay halkan u yimaadaan daweynta afka iyo ilkaha.

Adeegyada baahsan ee gaarka u ah magaaladan oo aysan jirin magaalo kale oo la gooni ah waxay sidoo kale usoo jiiday magaca Makkadii adeegyada ilkaha iyo afka. Waayo xattaa qiimaha rakibidda ama mudidda ilkaha waxay 50%–70% ka raqiis badan yihiin Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -