Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Madaale oo deeq Lacageed siiyay Ajaaniib kunool Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq lacageed oo ciid siin ah siiyay qaar kamid muwaadiniinta Syria ee kunool magaalada Muqdisho si ay uga faaideystaan ka qeyb qaadashada farxada Ciidul Fidriga.

Guddoomiye Madaale ayaa qoysaska Syria-ka ku qaabilay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar isagoo deeq daasi lacageed kadib u sheegay in Soomaaliya iyo Syria ay yihiin ummad walaala ah islamarkaana ay ka dhaxeyso xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Ganacsada Soomaaliyeed iyo dadka ilaahey wax siiyay in ay kaalin ka qaataan garab istaaga Walaalaha Syria ee kunool Caasimadda.

Dad badan oo kasoo qaxay colaada ka aloosan dalka Syria ayaa ku nool magaalada Muqdisho ,kuwaa oi qaarkood xaalado adag oo dhinaca nolosha ah heesato.

Related posts

(Sawirro) Muxuu Laftagareen kala hadlay xubnaha aqalka sare ee ka soo jeeda K/Galbeed?

Caydiid Ali

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---